Maqaal lagu daabacay wakaaladda wararaka ee Shahaada ee ka faalloota arimaha dalalka bariga Afrika, uuna qoray qoraa lagu magacaabo Daa’uud Miiri ayaa ciwaan looga dhigay Soomaaliya ma waxay soo celin doontaa wixii ka dhacay Afqaanistaan?, waxaana looga hadlay sida loo filan karo in xilli dhow Soomaaliya ay ka dhacaan wax la mid ah wixii ka dhacay Afqaanistaan, markii 20 sano kadib dalkaas ay isaga baxeen ciidamada huwanta ee uu hoggaaminayay Maraykanka.
” Weerarkii ugu dambeeyay ee Al-Shabaab ka fulisay Soomaaliya, kuna dishey 57 askari oo ka tirsan ciidamada Uganda oo ku sugnaa saldhig milliteri oo ku yaala magaalada Buulo-mareer, wuxuu madaxweyne Yuweri Museveni quus ka muujiyay sida uu Maraykanku ugu fashilmey in Drones uu ku caawiyo ciidamada Uganda.
Marka jaanibka milliteri laga hadlana waxay diyaarada Drones-ta kamid yihiin wasiilooyinka lagu xoojiyo awoodda ciidan, laakiin sanadihii tagay waxay sugeen in Drone aan waxba looga qaban karin koox lamid ah Al-Shabaab” ayuu leeyahay qoraaga maqaalka Daa’uud Miiri.
Caqiidada iyo Idology-yada Xarakada Al-Shabaab ayaana u aaba yeeleynin diyaaradaha Drones-ta iyo tirada ciidamada looga dilo fagaaraha dagaalka ama xitaa geerida hogaamiyaashooda, mashruuceeda Jihaadiga ayaana lahayn taariikh la filan karo inuu kusoo afjarmo, naska islaamiga ah ayaana tilmaamaya in dagaalkan uu soconayo illaa Qiyaamaha, ayuu tilmaamaya maqaalka ciwaanka looga dhigay Soomaaliya ma waxay dib usoo celin doontaa wixii ka dhacay Afqaanistaan ee lagu daabacay wakaaladda wararka ee Shahaada.
Haddii asbaabaha keenay jabkii ciidamada Uganda ku gaarey magaalada Buulomareer ay kamid yihiin taageerrada hawada oo yareyd, ama qalqal ku yimid ciidamada ama tababarkooda oo xumaa awgeed, sidaba uu Museveni tilmaamay maalmo kadib weerarka, wuxuu qoraaga maqaalka sheegayaa in Maraykanka ka baaqsan lahaa guuldarada qaraar ee ku gaartey Afqaanistaan, laakiin xaqiiqada ayaa ah in Maraykanka iyo xulafadiisu ay iska indha tirayaan miizaanka diineed ee Islaamiyiinta riixaya, in xooga la saaro tirada khasaaraha gaaray cida kasoo horjeeda ayaana dhinacyadan siinaya dareen aan waxba ka jirin oo guul ah.
Marka laga hadlo Maraykanka iyo xulafadiisa, waxay Al-Shabaab ka dhigantahay maroodi soo galay guriga la deganyahay, reer galbeedkuna ma awoodaan iney iska hor leexiyaan, xaaladan oo kale waxa ugu badan ee loo baahanyahay ayaa ah wadahadal, maqaalkanna waxaan ku sharxi doonaa waxa waajibka ka dhigaya in Maraykanku si diblumaasiyadeed ula macaamilo Al-Shabaab, si lamid ah sidaba uu ula macaamiley Taalibaan, ayuu leeyahay Daa’uud Miiri.
Inkastoo taageero furan uu reer galbeedku siinayo dowladda Soomaaliya, haddana marnaba suuragal maahan in Soomaaliya uu noqdo dal dimuqraadi ah, sababo ku aadan taariikhda dheer uu dalkan u leeyahay diinta Islaamka, magaalada Zeylac ee wuqooyi galbeed Soomaaliya ayuu Islaamku soo gaarey iyadoo uu noolaa Rasuulka Salla-llaahu caleyhi wasallam, 14 qarni kadibna Soomaalidu waxay u arkaan Islaamka inuu yahay astaantooda rasmiga ah, ayay leedahay warbixinta.
Tusaale, haweenka Soomaalida ee jooga gobollada Maraykanka kuwooda ay ku badanyihiin muxaafidka waxay qaataan xijaabka sharciga ah, waana arin naadir ku ah jaaliyadaha muslimiinta ee reer galbeedka, sidaas darteed waxaa xaqiiq ah in thaqaafada Soomaaliyeed ay xiriir gundheer la leedahay qiyamka Islaamiga ah, taas ayaana keeneysa in dad badan oo Soomaali ah ay rajadooda ku xiraan halganka ay wado Xarakada Al-Shabaab ee looga soo horjeeda ciidamada Shisheeyaha ee dalka jooga iyo xukuumadda ay taageerayaan.
Bariga Afrika, waxay Soomaaliydu si aan kala joogsi lahayn u ahaayeen dadka hoggaaminayay xarakaatka Jihaadiga ah ee taariikhda dhulkan soo marey, waxaana tusaale u ah Imaam Axmed Gurey, Sayid Muxamad Cabdulle Xasan iyo Sheekh Xasan Barsane, ruuxdan diineed ayaana ahayd tan keentey aas-aaskii Maxaakimtii Islaamiga iyo Xarakada Al-Shabaab, dhammaan dhinacyadaas waxay ka sinnaayeen ayaa ah in iney si adag uga hrotageen cadow ay ku tilmaameen inuu Saliibi yahay, kaasoo kusoo duuley diintooda iyo dhulkooda, waana astaan mideysay, laguna daaley in la zuuliyo, ayuu leeyahay Daa’uud Miiri qoraaga maqaalkan lagu daabacay wakaaladda Shaahada.
” Kitaabka muqadaska ah ee lagu cabirey halbeegyada ay tahay iney bulshada islaamigu qaataan, oo lagu dhameystirey Seyf ayay Xarakada Al-Shabaab ku fashilisay isku deyga isbedelka Dimuqraadiyadda ee Soomaaliya, kaasoo ay horboodeyso dowladda Maraykanka.
Isku deygan ayaa horey ugu soo fashilmey Fitnam, Ciraaq iyo Afqaanistaan, waana ixtimaal fog in laga guuleysto qof geerida u arko maclma diineed oo Sharaf iyo milgo leh, doonayana inuu u qaabeeyo caalamka si waafqsan naska Islaamiga ah” ayaa leeyaahy qoraaga maqaalka Daa’uud Miiri.
” Ugu dambeyntii wuxuu Maraykanku door bidaa in xuduudaha dibadeed uu isla weyni kaga soo gudbo, laakiin awood uma hayo inuu qaado culeeska dagaalka si gaar ah marka uu wajahayo cadow adeegsanayo usluub dagaaleed aan isku dheelitirneyn, Xarakada Al-Shabaab-na maadaama ay ka dagaallameyso dhulkeeda waxay ku jebin doontaa Maraykanka istiraatiijiyadeeda dulqaadka leh, maxaa yeeley majiro waqti go’an oo ay leedahay xamladan diineed. Maraykanku wuxuu si xiriir ah uga soo baxay Fitnam iyo Afqaanistaan, waana suurogal inuu isaga baxo Soomaaiyana, waxaa intaa dheer dagaalka lagula jiro argagaxisada wuxuu noqday mid lagu daalay oo aan wax natiijo ah laga soo hooyin.
Soomaaliya waxa u baahantahay nidaam, awood dowladeed oo xakameyn karta cunfiga, waxaana ii muuqata in Xarakada Al-Shabaab ay tahay cidda keliya ee dammaanad qaadi karta arrinkaas, sidaas darteed waxaa waajib ah inaan kasoo baxno Soomaaliya, una deyno hoggaanka Xarakada Al-Shabaab, si lamdi ah sidaba uu Maraykanku Afqaanistaan ugaga soo tagay Taalibaan” ayuu leeyahay qoraaga maqaalkan ku qornaa luuqadda Engelishka ee uu qorey Daa’uud Miiri, balse Shahaada news ay u tarjumtay luuqadda Carabiga.
Tan iyo wixii ka dambeeyay markii Maraykanku ka baxay dalka Afqaanistaan talada iyo dowladnimadana la wareegtay Taalibaan, waxaa soo badanayay dadka wax falanqeeya iyo maraakiz diraasaadyo tilmaamaya in Soomaaliya ay u badantahay iney ka dhacaan wax lamid ah wixii ka dhacay Afqaanistana, halkaas oo 20 sano oo halgan ah kadib ay Shisheeyuhu isaga carareen, dalkana ay usoo hareen dadkii u dhashey ee u halgamayay.
Xubnaha Dowladda Ridada ayaa dhankooda waxay muujinayaan cabsida la xiriirta in Xarakada Al-Shabaab ay soo gar-garaacdo albaabada magaalooyinka waaweyn ee dalka, marba haddii ay fashilantay xamlo dagaaleedkii ay dowladda Maraykanka kaga dhawaaqday dalka, taasoo sanad kaddib u muuqata mid aan waxba u dhimin Al-Shabaab, iney ku adkaadaan oo ay ku xoogeystaan mooye.
Al-Qaacida oo ay xubin ka tahay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa lafteeda aaminsan in Soomaaliya laga filayo in mardhow ay noqoto dowlad islaami ah oo ay gacanta ku heyso Xarakada, waxaana arrinkaas lagu sheegay maqaal lagu daabacay cadad ka mid ah majallada Umatun Waaxida oo ah majallad rasmi ah oo ay soo saarto mu’assasada As-Saxaab ee ku hadasha jamaacada jihaadiga ah ee Al-Qaacida.
Iftitaaxiyada cadadka toddobaad ee majallada Umatun Waaxidah ayaa lagu yiri ” Wax la baciidsado maahan in Soomaaliya ay mar dhow ka dhacaan wax lamid ah wixii bilo ka hor aan ku aragnay Afqaanistaan, waxaa jira wejiyo badan oo waaweyn oo ay isaga egyihiin labada dal, taasoo uu arki karo qof weliba oo daneeya diiwaan gelinta dhacdooyinka labada dal, kama shakinayo qofka indha indheeya dhacdooyinka bariga Africa, in masiirka magaalada Muqdisho uu dhawaan soo geli doona gacanta raggeedii difaacay ee ilaalinayay, Jihaadka reer Muqdishana natiijadiisu aanu noqon doonin mid ka fog halka uu ku biyo shubtey jihaaadka reer Afqaanistaan, waxaana la arki doonaa iyadoo Nataha Africa ee ka dhigan “AMISOM” ay si dullinimo ku jirto uga cararaan dhulka Ardul Hijrateyn”. Ayuu leeyahay muxarrirka majallada Umatun Waaxida.
Waxaa jira dhinacyo badan oo ay isaga egyihiin saaxaadka Afqaanistaan iyo Soomaaliya, taasoo keeneysa- sida majallada Umatun Waaxida tilmaameyso- iney yaqiin ahaan aaminaan in Xarakada Mujaahidiinta AlShabaab oo ah faraca AlQaacida ee bariga Africa, ay geli doonto magaalada caasimadda ah Muqdisho, iyadoo wadata ciidankeeda, aaminna ah, islamarkaana jirin cid ay ka cabsanayaan, nasri iyo fatxi dhowna uu hareyn doono guud ahaan caalamka Islaamka. ” haddii uu dheeraaday hadalkeyga ku aadan rajada Soomaaliya iyo nasriga dhow ee la filayo, inbadan oo ka mid ah hadallada ku saabsan qadiyaddan waxaa horey u saadaaliyay majallada Ameerika laga leeyahay ee Foreign Policy” ayuu leeyahay tifaftiraha majallada Umatun Waaxida oo qorey maqaalka iftitaaxiyada u ah cadadka 7aad ee soo baxay sanad kahor bisha Muxarram 1444-ta hijriyada.
“Soomaaliya waxay wajaheysaa duulaan milliteri oo xagga dibadda ah, si la mid ah sidaba Afqaanistaan ay u wajaheysay arrinkaas, labada dalna waxaa laga dhisay xukuumado dabadhilif ah, waxayna booska ka riixdeen oo horey labada dalba uga jirey maamul islaami ah, labada xukuumadood ayaana ku tiirsaneyn naftooda, 90% dhaqaalaha ay labadaas dowladood ku dhisanyihiinna waxay ka imaanayeen dibadda” ayay leedahay warbixinta mar ay tilmaameysay dhinacyada ay isaga egyihiin Soomaaliya iyo Afqaanistaan, ka hor inta aaney Afqaanistaan xuroobin, dowlad islaami ahna laga taagin.