Xoogagga kandoonwadeyaasha hubeysan ee Suniyiinta Suuriya ayaa maanta oo jumco ahayd xaqiijiyay guulo waawayn, iyagoo sheegay in ciidankooda la wareegeen kulliyado ciidan oo kuyaal magaalada Xalab.
War kasoo baxay xooggagan hubeysan ayaa lagu sheegay in ciidamadoodu gacanta ku dhigeen kuliyadda milateriga iyo tan madaafiicda ee xaafadda Al-Zahraa ee magaalada Xalab.
Xooggaga Sunniyiinta Suuriya waxay sidoo kale sheegeen in ciidamadoodu gudaha u galeen bartamaha magaalada Xalab ee muhiimka ah, gacantana ku dhigeen xaafadaha galbeedka magaaladaasi, halkaas oo kula wareegeen ilaa 7 xaafadood.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in xooggaga kooxaha wax iska caabinta Sunniga ah ay ku guuleysteen in ay jebiyaan difaacyada maleeshiyaadka Nuseyriyada Suuriya ay ku lahaayeen deegaannada Al-Xamdaniyah, Xalabta cusub iyo Al-Zahraa, taasi oo keentay inay galaan magaalada.
Dhinaca kale, waxay xoogaggan mucaaradka hubaysan ah gacan ku dhigeen magaalada istiraatiijiga ah ee Saraaqib ee dhacda gobolka Idlib ee waqooyi-galbeed Suuriya.
Ilo wareedyo ayaa soo sheegay in ciidamada Bshaar Al-asad ay isaga baxeen magaalada Saraaqib ka dib markii ay la kulmeen culays milatari iyo khasaare baaxad leh oo ka dhashay iska horimaadyo toos ah oo ay la galeen kooxaha hubeysan ee sunniyiinta, kaasi oo socday muddo labo maalmood ah.
Ciidamada nidaamka Suuriya ayaa ku jabaya furimaha dagaalka, Bashaar Al-asad ayaa taageero ka helaya dhinacyada Ruushka, shiicada Iiraan iyo sidoo kale ururka shiiciga ah ee fadhigiisu yahay Lubnaan.