Waxaa maalintii labaad xiran suuqa ugu wayn Soomaaliya ee Bakaaraha, go’aankaasi oo ah mid ay ganacsatadu kaga cabanayaan lacagta baadda dheeraadka ah ee ay soo rogtay kooxda Riddada Soomaaliya.
Muuqaallo iyo sawirro lagu faafiyay baraha bulshada, ayaa muujinayay suuqa Bakaaraha oo maalintii labaad ah mid haawanaya, ganacsataduna ay dhigayaan isku soo bax wayn oo ay u rogeen cabashadooda.
Mid ka mid ah ganacsatada ka howlgala Suuqa bakaaraha, ayaa warbaahinta maxalliga ah qadka taleefoonka ugu sheegay in maalintii labaad uu si rasmi ah u xiran yahay suuqa ugu wayn dalka ee Bakaaraha.
Ganacsatadu waxay sheegeen inay xarumahooda ganacsiga maalintii 2-aad u xireen lacago baad ah oo is biirsaday, kuwaas oo ka billaabanaya dekadda Muqdisho uguna dambeysay tan kooxda Riddadu ka jaranayso lacagaha taleefannada la isugu diro.
Muuqaallada la baahiyay ayaa muujinaya ganacsatada oo bannaabaxyo waawayn ka sameynaya wadooyinka Muqdisho, sidoo kale na ku dhawaaqaya erayo ka dhan ah madaxweynaha kooxda Riddada Soomaaliya, murtad Xassan Gurguurte.
Muuqaalladii ugu horreeyay ee lagu baahiyay baraha bulshada, ayaa muujinayay ganacsatada oo xirtay Isgoysyada Howlwadaag iyo kan Bakaaraha, sheegayna inay gaari doonaan Isgoyska sayidka ee u dhow madaxtooyada Riddada.
Isku soo baxyada waawayn ee maanta ka billowday Muqdisho ee ka dhanka ah lacagaha baadda ah ee kooxda Riddada Soomaaliya kusoo rogtay shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho, ayaa lagu wadaa in ay sii xoogeystaan, waxaana banaanbaxyadan qayb ka ah ganacsatada, xoogsatada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada, kuwaas oo isku mid ah u diiday baadda cusub ee kooxda Gurguurte soo rogtay.