Sheekh Cabdul Casiis Abuu Muscab afhayeenka ciidanka Mujaahidiinta xarakada Al-Shabaab oo Shir Jaraa’id u qabtay Warbaahinta ayaa ka hadlay howlgallo saacadihii lasoo dhaafay si wayn loogu naafeeyay ciidamo isugu jira ameerikaan iyo maleeshiyaadka dowladda Ridada.
Sheikh Cabdul Casiis ayaa ugu horrayn ku dheeraaday weerarkii Istish-haadiga ahaa ee shalay ay Mujaahidiintu la beegsadeen ciidamo ameerikaan ah oo ku sugnaa deegaanka Jannaay Cabdalle oo dhinaca galbeedka ka xiga magaalada Kismaayo.
Waxa uu sheekha sidoo kale ka hadlay weeraro khasaare badan dhaliyay oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay qaar ka mida wilaayaadka dalka, kuwaasi oo lagu dilay askar iyo saraakiil ka tirsan maleeshiyaadka kooxda Ridada Somalia.
Halkan Ka Dhagayso Shirka Jaraa’id Ee Taliska Ciidanka Mujaahidiinta.
Calamada.com