Taliska ciidanka mujaahidiinta ayaa faahfaahin ka bixiyay weerarkii cuslaa ee saaka ciidamada mujaahidiintu ay kula jarmaadeen saldhigyada maleeshiyaadka murtadiinta ay kaga suganyihiin degmada Balcad ee wilaayada Sh/dhexe, halkaas oo ay ku sugnaayeen maleeshiyaad huwan ah.
Taliska ciidamada mujaahidiinta ayaa si horudhac ah u xaqiijiyay in weerarka mujaahidiinta iyo camaliyadda Istish-haadiga ah ee ka dhacday Balcad Allah fadligiis lagu dilay 13 xubnood oo murtadiin ah, halka sidoo kale dhaawaca uu yahay 19 kale.
Qoraal kooban oo taliska ciidanka mujaahidiinta kasoo baxay ayuu sidoo kale ku sheegay in khasaaruhu intaas uu ka badan karo, maadaama xogtu ay weli hordhac tahay.