Taliska ciidanka ee mujaahidiinta ayaa warsaxaafadeed kasoo saaray howlgalka ka socda Warguduudo oo ka tirsan dhulka NFD ee ku hoos jira gumeysiga saliibiyiinta Kenya, halkaas oo uu talisku sheegay in mujaahidiintu cagta ku mariyeen 2 ciidan oo ka tirsan saliibiyiinta Kenya e loo kala yaqaano Quick Response Unit (QRU) iyo Administration Police Services (APS), kuwaas oo dhibaato badan ku hayay dadka muslimiinta ah ee ku dhaqan Warguduudo iyo deegaannada u dhow.
Taliska ciidanka ayaa sheegay in howlgalka oo weli socdo lagula wareegay degaanka Warguduudo uuna jiro khasaare hordhac ah oo soo gaaray saliibiyiinta Kenya, kaas oo isugu jira dhimasho, dhaawac, burbur xarumo, gaadiid iyo hub ay Mujaahidiintu qaniimaysteen
Hoos Ka Akhriso Warsaxaafadeedka Taliska.
Ciidamada Mujaahidiintu waxay xalay saqdii dhexe saacadu markii ay ahayd 01:30 habeenimo, weerar qorshaysan ku qaadeen saldhig ay ciidamada saliibiyiinta Kenya ku leeyihiin deegaanka Warguduudo ee ka tirsan gobolka NFD, gaar ahaan hoostagta Mandheera .
Mujaahidiinta ayaa weerarka si toos ah ula beegsaday saldhig ay ku wada sugaanaayeen ciidamada saliibiyiinta Kenya ee loo kala yaqaano Quick Response Unit (QRU) iyo Administration Police Services (APS) kuwaas oo dhibaato badan ku hayay dadka Muslimiinta ah ee ku dhaqan Warguduudo iyo deegaanada u dhow.
Dagaal kooban kadib, waxaa goobta iskaga cararay ciidamadii saliibiyiinta, waxaana – Allaah fadligiis – saldhiga iyo guud ahaan deegaanka Wargududo la wareegay ciidamada Mujaahidiinta.
Howlgalka oo weli socda, waxaa jira khasaare hordhac ah oo soo gaaray cadawga saliibiyiinta ah, kaas oo iskugu jira dhimasho, dhaawac, burbur xarumo, gaadiid iyo hub ay Mujaahidiintu
qaniimaysteen.
Dhanka kale, ciidamada Mujaahidiintu waxay madaafiic ku garaaceen saldhiga weyn ee ay ciidamada Kenya ee loo yaqaano KDF ku leeyihiin deegaanka Ceel-Qaaloow ee ay Kenya gumaysato, waxaana halkaas cadawga kusoo gaaray khasaare kala duwan. Sidoo kale, ciidamada Mujaahidiintu waxay howlgal ka sameeyeen deegaanka Heeri-suuki oo 17 km u jirta Warguduudo halkaas oo lagu beegsaday xarumaha saliibiyiinta ee deegaanka. Faahfaahinta howlgallada oo dhamaystiran dib ayaan kasoo gudbin doonaa Insha-Alllah.