Taliska ciidanka Mujaahidiinta ayaa goordhow ka hadlay howlgalka Inqimaasiga ee ka socda Muqdisho oo galay maalintii labaad, wuxuuna talisku sheegay inay Mujaahidiintu iska caabiyeen dhowr duullaan uu cadowgu soo qaaday, Mujaahidiintu ay howlgalkooda weli sii wadaan, howshuna u socoto sidii loo qorsheeyey.
Afhayeenka ciidanka, Sheekh Cabdi Casiis Abuu Muscab oo la hadlay Andalus ayaa yiri:
“Dagaalkii bilawday shalay maghribkii ilaa hada waa uu socdaa. Ciidamadeenu waxay weli gacanta ku hayaan dhismihii cadawgu gabaadka ka dhigan jiray ee Xayaat. Waxaa jiray isku dayo fara badan oo ay soo sameeyeen maleeshiyaatka ridada ah iyo gaalo saliibiyiin ah oo usoo gurmaday, balse haleeyada Islaamku, Ilaahay mahadiis, jilibka ayay u aasteen, khasaare xooggana waa ay gaarsiiyeen”
Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu kaloo Abuu Muscab yiri: “Cadawgu wuxuu isku deyayaa inuu gabi ahaanba dumiyo oo dhulka dhigo dhismaha, hub aad u culus ayay ku garaacayaan dabaqyada hoteelka, iyagoo aanan u aaba yeeleynin saaxiibadooda weli ku go’doonsan gudaha hoteelka”
Maalintii Labaad ayuu galay weerarka culus ee lagu daahfuray camaliyadda Istish-haadiyada ee Mujaahidiintu ay ku qaadeen hoteelka Xayaat ee magaalada Muqdisho kaasi oo ay daganaayeen saraakiil iyo xubna kale oo Murtadiin ah, Waxeyna Maalintii Labaad ciidanka Ingimaasiyiinta si toos ah gacanta ugu hayaan hoteelka Xayaat.