Abaanduulaha ciidamada Mareykanka ee Africka Ninka lagu magacaabo Jenraal Tomas Waldhauser ayaa ku cataabay in duqeymaha xagga cirka ah ee diyaaradahooda ka wadaan Soomaaliya aanan looga takhalusi Karin awoodda Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, isagoona tibaaxay in ay adag tahay sida looga guuleysto Jihaadiyiinta ka halgamaya bariga Africa.
Sarkaalkan oo hogaamiya taliska ciidamada Mareykanka ee loo yaqaano AFRICOM ayaa sheegay in duqeymahan ay carqaladeyn karaan dhaq-dhaqaaqa iyo waxqabadka Al Shabaab balse aysan marnaba suuragal ahayn inay kaligood xaqiijiyaan guul laga gaaro dagaalka
isagoo ka hor hadlayey guddiga military-ga ee Golaha Senate-ka Mareykanka ayuu gaal Tomas Waald-hawser sheegay in ujeedka ugu weyn ee laga leeyahay duqeymahan ay tahay in la caawiyo xukuumada taagta daran ee Federaalka Soomaaliya iyo maleeshiyaatkooda taas oo uu ku tilmaamay mid aanan isaga filnaan karin la dagaalanka Shabaabul Mujaahidiin iyo in ay difaacdaan deegaanada ay maamulaan.
“Duqeymahan ma ahan kuwo ugu dambeyntii xaqiijinaya in laga takhaluso Al-Shabaab laakiin waa kuwo fursad siinaya dowlada Federalka iyo Ciidamada Soomaalida si ay u soo kobcaan, una hantaan amniga wadanka” ayuu yiri Tomas Waald-hawser, taliyaha ciidamada military-ga Mareykanka ee marka magacooda la soo gaabiyo loo yaqaano AFRICOM.
Tan iyo sanadkii 2017-kii diyaaradaha Mareykanka ayaa Soomaaliya ka waday duqeymo wuxuushnimo oo beegsaday dadka iyo duunyada kuwaas oo ay ku sheegeen in ay ku ugaarsanayaan Mujaahidiinta balse duqeymahaas ayaanaan ilaa hadda xaqiijin wax un ka mid ah hormaradii iyo guulihii uu cadowgu ku taamayey.
Sanadkii 2018-kii, diyaaradaha Mareykanku ayaa fuliyey ku dhawaad 50 duqeyn oo ay ka geysteen meelo kala duwan oo ka tirsan wilaayaatka Islaamiga, halka sanadkan bilowga ahna ay fuliyeen ugu yaraan 12 duqeyn oo ka dhacay deegaano kala duwan.
Mareykanka ayaa aalaaba ku andacooda in weerarada xagga cirka ah ee lagu hayo Xarakada Al-Shabaab looga gol leeyahay in lagu yareeyo weerarada ay Mujaahidiintu ku hayaan xulifada Mareykanka ee bariga Africa sida ciidamada kuffaarta Afrikaanta, maamulada ridada, iyo dowladaha saliibiga ah ee xuduudaha la leh Soomaaliya.
Laakiin marka si dhab ah loo kuurgalo siraacan, waxaa muuqaneysa inaanu Allaah fadligii duqeymahaas Mujaahidiintu ka hor istaagin in ay abaabulaan, qorsheyaan, ka dibna fuliyaan weerarada halyeeynimo ee lagu dhiigbixinayo cadowga Allaah.
Sanadkan bilowga ah oo kaliya Al Shabaab waxay fuliyeen silsilado weeraro ah oo lagu xasuuqay cadowga Allaah kuwaas oo saddex ka mid ah dharbaaxooyin cul-culus lagu gaarsiiyey ciidamada xabshida Itoobiya ee ka tirsan kuffaarta Afrikaanta oo lagu xasuuqay Buurhakabo, maleeshiyaatka murtadiinta Jubalanad ee cagta lagu mariyey saldhigoodii Baar Sanguuni iyo Dowladda Saliibiyada ah ee Kenya oo darsi taariikhi ah lagu siiyey ubucda dhulkooda iyo albaabada xafiisyadooda magaalada Nairobi.