Howlgal qarax ah oo ciidamada mujaahidiintu ka fuliyeen magaalada Kismaayo gaar ahaan xaafadda Farjanno ayaa lala beegsaday guri uu halkaasi ka degganyahay taliyiha maleeshiyaadka murtadiinta ee isugu yeera Danab qaybta uu ka arrimiyo maamulka ashahaada la dirirka ah ee Jubbaland, murtadka ashahaada la dirirka ah ee lagu magacaabo Carab Dheeg.
Ilo wareedyo xog-ogaal ah ayaa idaacadda Andalus u xaqiijiyay in qaraxa uu si dirqi ah uga badbaaday Carab Dheeg balse waxaa qaraxaasi dhaawacyo culus uu kasoo gaaray 2 askari oo ka mid ah ilaalada murtadkaasi.
Dhanka Bakool, kolonyadii ciidamada xabashida Itoobiya ee inka badan 6 maalmood ku socdaalayay inta u dhaxeysa degmooyinka Ceelbarde iyo Xudur qaraxyo waawayna kula kulmay intii ay waddada kusii jireen ayaa iyagoo maydad iyo dhaawacyo dhabarka ku sita gaaray degmada Xudur, waxaa la xaqiijiyay in ciidamadan oo wata maydadka illaa 8 askari oo Itoobiyaan ah iyo dhaawacyada 11 kale iyo dhaawacyada 4 murtadiin ah oo dal yaqaan ay galeen degmada Xudur.
Dhanka Banaadir, howlgal gaar ah oo ciidamo ka tirsan mujaahidiintu ka fuliyeen degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho waxaa lagu khaarajiyay isbatoore Xasan oo ahaa sarkaal murtad ah oo ka tirsanaa maleeshiyaadka lagu soo tababaray Eritrea.