Wararka ka imaanaya gobolka Banaadir, ayaa sheegaya in agaasimaha sirdoonka dowladda Riddada ah ee Turkiga, Ibrahim Kalin, uu maanta socdaal qarsoodi ah ku yimid caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.
Ilo wareedyo xog-ogaal ah, ayaa kusoo waramaya in socdaalka taliyaha sirdoonka Riddada Turkiga (MIT) oo ah mid qarsoodi ah uu soo gaaray Muqdisho, halkaasina uu kula kulmay madaxwenaha kooxda Riddada Soomaaliya, murtad Xassan Gurguurte iyo taliyaha hayadda sirdoonka kooxda Riddada Soomaaliya ee NISA, murtad Cabdullaahi Maxamed Sanbaloolshe.
Murtad Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa xafiiskiisa ku qaabilsay agaasimaha sirdoonka dowladda Ridada ee Turkiga, waxaana la sheegay inay ka wada hadleen xiriirka dhanka amniga ee ka dhaxeeya dowladahan Riddada ah, si gaar ah midka sirdoonka iyo dagaalka ka dhanka ah islaamka iyo ehelkiisa.
Falanqeeyeyaasha gobolka waxay sheegayaan in sarkaalkan socdaalka qarsoodiga ah ku yimid magaalada Muqdisho uu ujeedkiisu yahay la kulanka Xassan Gurguurte oo ah madaxa kooxda Riddada Somalia, kaasi oo Turkiga siiyay kuna wareejiyay khayraadka umadda Soomaaliyeed.
Imaatinka agaasimaha sirdoonka dowladda dabadhilifka Turkiga ee Muqdisho, ayaa kusoo beegmaya xilli tan iyo billowgii sannadkaan, xukuumadda Ankara ay kooxda Riddada ka saxeexatay laba heshiis oo Turkiga awood u siinaya maamulka badda iyo barriga Soomaaliya, Turkiga ayaana sheegay in heshiisyadaas xaaraanta ah gaar ahaan kan shidaal baaritsa uu billaabi doono sannadka 2025-ka.
Sidoo kale safaaradda dowladda Turkiga ee magaalada Muqdisho, ayaa maanta xafiiskeeda uga yeertay taliyaha ugu sarreeya maleeshiyaadka murtadiinta, murtad Ibraahim Sheekh Muxiyadiin, waxayna sheegtay in safiirka safaarada iyo taliyaha Riddada ay ka wadahadleen arrimo kala duwan.