Howlgal si heer sare ah loo qorsheeyay oo ay ciidamada Mujaahidiintu ka fuliyeen degmada Beled-xaawo ee gobolka Gedo ayaa lagu dilay taliyihii ururka 28-aad ee kooxda Riddada Soomaaliya, kaas oo ka mid ahaa saraakiisha ugu sarreysay maleeshiyaadka Riddada ee gobolka Gedo.
Saraakiil ka tirsan ciidamada Mujaahidiinta oo la hadlay warbaahinta islaamiga ah ee Al-andalus ayaa xaqiijiyay in howlgal gaar ah lagu khaarajiyay Maxamed Aweys oo ahaa taliyihii ururka 28-aad ee kooxda Riddada, kaas oo haystay maleeshiyaadka Riddada ee ku sugan degmada Belexaawo.
Maxamed Aweys ayaa ka mid noqonaya saraakiil murtadiin ah oo ay ciidamada Mujaahidiintu ku khaarajieen Gedo, kuwaas oo uu ugu dambeeyay Bakaal Kooke oo ahaa taliyihii sirdoonka kooxda Riddada ugu magacownaa gobolka Gedo.