War kasoo baxay wasaarada gaashaandhiga Maraykanka ayaa lagu xaqiijiyay in Admiral Iskoot Steerni oo ahaa taliyaha ugu dareeya ciidamada badda Maraykanka ee dagaalka ka wada mandiqada bariga dhexe maydkiisa la helay maalintii shalay oo Sbati ahayd.
Wasaarada gaashaandhiga Maraykanka ayaa sheegtay in Iskoot Steerni uu ahaa taliyaha xarunta hogaanka dhexe ee ciidamada iyo hogaamiyaha isduulka shanaad ee guud ahaan ciidamada Maraykanka kuwaas oo saldhigoodu uu ku yaallo wadanka Baxrayn.
Maydka hogaamiyahan Maraykanka ayaa la sheegay in laga dhex helay goob uu deganaa oo ku taallla isla wadanka Baxrayn.
Masuuliyiinta Maraykanka ayaa ka gaabsaday inay ka hadlaan sababta keentay geerida masuulkaan sare ee ka tirsanaa ciidamadooda colaada ka hurinaya wadamada caalamka Islaamka.
Taliyahan Meydkiisa la helay ayaa ka tirsanaa ciidamada badda Maraykanka tan iyo sanadkii 1982, waxaa uu hada taliye u ahaa in ka badan 20 kun oo kamid ah ciidanka Badda Maraykanka sida lagu sheegay warka kasoo baxay dowladaasi hogaanka u haysa duullaanka Saliibiga ah ee lagu soo qaaday Dunida Islaamka.
Masuuliyiinta Maraykanka ayaa sheegaya in iyagoo kaashanaya wasaarada arimaha gudaha Baxrayn ay baaritaan ku wadaan sababta keentay geerida hogaamiyahan ciidan ee maydkiisa laga helay goobtii taliska u ahayd ee uu ka hogaaminayay ciidamada Maraykanka ee ka hawgala wadama ku yaalla mandiqada bariga dhexe