Xoogag hubeysan ayaa maanta gelinkii dambe galbeedka magaalada Muqdisho ku dilay sarkaal sare oo katirsanaa Maleeshiyaadka Mareykanku tababaray ee Bangaraafta loo yaqaan.
Wararka ka imaanaya degmada Wadajir ayaa sheegaya in howlgal gaar ah oo xoogaga Al Shabaab ay fuliyeen lagu dilay Taliyihii hore ee Maleeshiyaadka Bangaraafta loo yaqaan oo qaab Ashahaadda ladirirnimo ula shaqeeya ciidamada Mareykanka ee ku sugan saldhigga Balidoogle.
Gaashaanlle Sare Cali Raage oo hadda ahaa Tababaraha Bangaraafta ayaa la xaqiijiyay in lagu dilay howlgalka gaarka ah ee galabta ka dhacay degmada Wadajir.
Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa sheegatay Mas’uuliyadda dilka sarkaalkan sida ay baahisay Idaacadda Andalus ee Afka Xarakada ku hadasha.
Tan iyo Bilashadii bisha barakeysan ee Ramadaan ayay sii xoogeysanayeen dilalka qorshaysan iyo weerarada tooska ah ee ka dhanka ah askarta iyo saraakiisha DF-ka ee ku sugan degmooyinka Gobolka Banaadir