Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha dowlada Ridada lagu gaarsiiyay qarax culus oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay qeybo ka mid ah degmada Hurwaa ee magaalada Muqdisho.
Qaraxan waxaa lala beegsaday gaari ay lasocdeen saraakiil ka tirsan maleeshiyaatka nabadsugida’iyadoona xog dheeraad ah laga helayo xubnaha lala beegsaday qaraxaasi.
Warar hoose ayaa sheegaya in qaraxaasi lagu dilay taliyihii hore Nabadsugida degmada Balcad ee gobalka Shabeelada dhexe kaasi oo magaciisa lagu soo gaabiyay Farxaan.
Sidoo kale qaraxaasi waxaa lagu dilay sarkaal sare oo ka tirsan hey,ada Nabadsugida kaasi isagana magaciisa lagu soo gaabiyay Carabeey’iyadoona sarkaal saddexaad oo isagana ka tirsan Ashahaado al dirirka lagu dhaawacay qaraxaasi.
Dowlada Farmaajo iyo maamulka Hirshabeelle ayaa gabi ahaan ka gaabsaday qirashada saraakiisha muhiimka u ahaa ee looga dilay qaraxa ka dhacay degmada Hilwaa ee magaaladan Muqdisho.
Muuse Malaay.
Calamada Online.
Muqdisho Somalia.