Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay weerar toogasho ah oo ka dhacay dhisme wax lagu barto oo kuyaal gudaha dalka Maraykanka, halkaas oo qof hubeysan uu ku beegsaday mucalimiin iyo arday Ameerikaan ah.
Maamulka dowladda Mareykanka ayaa sheegay in arday 14 sano jir ah uu rasaas ku furay dugsi sare oo kuyaal gobolka Georgia, halkaasna uu ku dilay ilaa 4 xubnood oo isugu jira laba arday iyo laba mucalimiin ah.
Ardayda iyo mucalimiinta toogashada hubeysan lagu dilay ayaa xilligaasi ku sugnaa dugsiga sare ee Appalachian oo kuyaala magaalada Atlanta, Agaasimaha Xafiiska baarista ee gobolkaasi Chris Hussey, ayaa shir jaraa’id oo uu warbaahinta u qabtay ku sheegay in la dilay 2 arday oo da’doodu tahay 14 jir iyo macalimiin lagu kala magacaabi jiray Richard Aspinwall iyo Christina Eremi.
Wararku waxay intaa ku darayaan in ugu yaraan 9 qof oo kale oo isugu jira siddeed arday iyo hal macallin loo qaaday cisbitaallada ka dib markii ay dhaawacyo kala duwan soo gaareen.