Wararka ka imaanaya waddanka Japan ayaa sheegaya in toogasho hubeysan oo ka dhacday gudaha xero tabobar oo lagu carbinayay ciidamo cusub lagu dilay ugu yaraan 2 askari oo ka mid ahaa ciidankii tabobarka ku jiray sida laga soo xigtay saraakiil ka tirsan wazaaradda difaaca ee waddankaas.
Toogashada ayaa ka dhacday xero ciidan oo kutaal bartamaha ismaamulka Gifu ee waddanka Japan, ilo wareedyo ka tirsan ciidanka ayaa xaqiijiyay in toogashada oo si gaar ah uga dhacday qaybta lagu toog barto ee dabridka uu qof ka mid ah ciidanka toogasho ka billaabay, taas oo keentay dhimashada ugu yaraan 2 askari iyo dhaawaca mid kale.
Dhacdadan toogasho ayaa noqotay mid aad looga hadal hayo waddanka Japan, maadaama ay waddankaan naadir ka tahay shilalka toogasho, sababo ku aadan dowladda oo aad u xakamaysay isticmaalka hubka, haddii qof uu iibsanayo hub na lagu xiro shuruudo adag.