Wararka ka imaanaya waddanka Lubnaan ayaa sheegaya in toogasho hubeysan lagu beegsaday afaafka hore ee safaaradda dowlada Maraykanka ay ku leedahay magaalada Bayruut ee caasimadda waddankaasi.
Toogashadan ayaa ka dhacday meel u dhow ilinka hore ee laga galo safaaradda Mareykanka ee kutaal waqooyiga caasimadda Beirut, sida uu xaqiijiyay afhayeen u hadlay safaaradda.
Jake Nelson oo ah afhayeenka u hadlay safaaradda xukuumadda Washington ee dalka Lubnaan ayaa yiri, ” abbaare 22:37, rassaas ayaa ka dhacday meel u dhow albaabka laga galo safaaradda Mareykanka ee magaalada Cowkar, ee waqooyiga caasimadda Lubnaan.”.
Afhayeenkan u hadlay dowlada Maraykanka ayaa sidoo kale xusay in rasaastaasi aysan geysan wax khasaare ah waa sida uu hadalka u dhigaye, safaaraddiisuna ay xiriir dhow la leedahay laamaha ammaanka ee Lubnaan.
Kadib toogashadii maanta ka dhacday agagaarka dhismaha safaarada Washinton waxaa argagax iyo kala carar laga soo tabiyay safaaradda Maraykanka, waxaana aad loo adkeeyay ammaanka goobta, waxana halkaas lasoo dhoobay ciidamo ka tirsan kuwa amaanka ee Lubnaan.