Ciidamada mujaahidiintu waxay howlgal qorshaysan oo ay ka fuliyeen duleedka degmada Garbahaarey ee wilaayada Gedo waxay nolasha ku qabteen askari murtad ah oo ka tirsanaa kooxda Riddada Soomaaliya, kaas oo ku socdaalayay duleedka Garbahaarey.
Saraakiil ka tirsan ciidamada mujaahidiinta ayaa sheegay in askarigan murtadka ah uu kasoo baxay Garbahaarey, kuna sii jeeday degmada Luuq, balse ciidamada mujaahidiinta oo si dhow ula socday dhaq dhaqaaqiisa ayaa nolasha ku qabtay, waxaana lagu khaarajiyay isla duleedka magaalada Garbahaarey, waxayna ciidamada mujaahidiintu ka qaniimeysteen qori iyo boosh uu ku hubeysnaa, askarigan ayaana magaciisa lagu soo koobay Gacmadheere.
Dhanka Banaadir waxay ciidamada mujaahidiintu 2 qarax oo ay ka fuliyeen agagaarka dhismaha xarunta maamulka Riddada deegaanka Garasbaaleey ee duleedka magaalada Muqdisho la beegsadeen maleeshiyaad murtadiin ah, ugu yaraan hal askari ayaa ku dhaawacmay qaraxan.