Markii ugu horraysay Tahriibayaal soomaali ah oo lagasoo tarxiilay wadamada reer galbeedk ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho.
Gelinkii dambe ee shalay ayaa garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho lagasoo dajiyay ku dhawaad 100 qof Soomaali ah kuwaasi oo dalka Mareykanka lagasoo tarxiilay.
Tahriibayaasha oo markii hore lagasoo dajiyay garoonka diyaaradaha Joma Kenyatta ee magaalada Nairobi ayaa iyagoo duruufaysan lakeenay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.
Qaar kamid ah soomaalida lasoo tarxiilay ayaa warbaahinta la hadlay ayaa ka sheekeeyay dhibaatadii ay lasoo kulmeen intii ay ku sugnaayeen xabsiyada laamaha socdaalka Mareykanka.
Jaaliyadaha Soomaalida Mareykanka ayaa wadnaha farta ku haaya waxayna isku diyaarinayaan in loosoo tarxiilo dhanka magaalada Muqdisho.
Dadka Soomaalida ah ee Mareykanka lagasoo tarxiilay oo cadadkoodu yahay 92 qof badankood waxay ka tahriibeen wadamo dhaca qaaradda Afrika oo ay ka ganacsan jireen sedax sanadood ka hor.