Donald Trump, ayaa markii labaad ku guuleystay jagada madaxweyne ee Maraykanka, kadib markii uu la loollamay haweenay ka socotay xisbiga Dimuqraadiga si la mid ah doorashadii uu kusoo baxay ee dhacday 2016-kii.
Ninkan ayaa intii tirinta codadku socdeen hordhac sameeyay, isaga oo sheegtay in uu ka guuleystay haweenaydii kula tartamaysay xilka madaxweynenimo ee saliibiyadda Maraykanka, waxaana dib u doorashiisa soo dhaweeyay dowlado badan oo uu ugu horreeyo maamulka sahaayinada Yahuudda, dowladaha reer galbeedka saliibiyiinta ah iyo dawaaqiidda carabta.
Donlad Trump ayaa horay sidan oo kale doorashadii Maraykanka ee dhacday sannadkii 2016-kii kaga adkaaday Hillary Clinton, taasi oo u tartamaysay jagada madaxweyne kana socotay xisbiga Dimuqraadiga ah, balse ninkan ayaa looga guuleystay doorashadii dhacday 2020-kii, kolkaas oo uu tartan la galay ninka hadda muddo xileedkiisu dhamaaday ee Joe Biden.