Dalka Turkiga oo ay ku suganyihiin kumanaan ruux oo kamid ah jaaliyadaha wadamada muslimiinta ee kasoo cararay dalalkooda ayaa waxaa ka dhacday arin naxdin ku beertay dadka, taas oo ah in Turkiga uu maamulka Siisi u gacan geliyay nin ku xukun-naa dil toogasho ah.
Wiil dhalinyaro ah oo lagu magacaabo Muxamed Cabdil-xafiid ayaa laga tarxiilay garoonka diyaaradaha ee magaalada Istanbuul, waxaana lagu wareejiyay maamulka Afgembiga Siisi ee dhibaatada ku haya shacabka muslimka ah ee Masar.
Muxamed Cabdil-Xafii ayaa ku eedeysnaa dilkii xeer ilaaliyihii maamulka Siisi, waxaana isagoo ka maqan dalka Masar lagu xukumay xukun dal-dalaad ah, haddii gacanta lagu dhigo.
Jaaliyadda wadamada Carabta ee Turkiga degan ayaa arintan aad uga carooday, kana muujiyay cabsi ah iney xigi doonto tallaabooyin kale oo dadka kasoo baxsaday dalalkooda loogu gacan gelinayo maamullada keligii taliska ee ka jira wadamada caalamka Islaamka.
Gudoomiyaha magaalada Istanbuul ee Turkiga oo war soo saaray ayaa sheegay iney wadaan baaritaanno lagu ogaanayo waxa dhacay, isagoona sheegay in shaqada laga eryay ugu yaraan 8 sarkaal oo katirsan ciidamada police-ka.