Taliska ciidamada ee dowladda Yugaandha ayaa ciidankiisa duullaanka saliibiga ah ku jooga Soomaaliya uga digay inay is dhigtaan, iyagoo niyada ku dhisanaya bixitaanka la hadal hayo ee ah in laga saari doono Soomaaliya, marka uu soo gabagaboobo howlgalka ATMIS dhamaadka 2024.
General Mahoose oo ah la taliyaha howlgallada gaarka ah ee madaxweynaha Yugaandha ayaa hadalkaas u sheegay ciidanka, xilli uu u niyad shisayay ciidankiisii lagu xasuuqay Buulo-mareer.
Mahoose ayaa sidoo kale sheegay in bixitaanka qudhiisa uu u baahan yahay nidaam iyo qorshe degsan, haddii aan loo diyaargaroobinna ay ciidankiisa ku adkaan doonto bixitaanka oo khasaare kale oo culus uu jiri doono.
Wuxuu ciidankiisa ku sugan Soomaaliya ku tartarsiiyay in ka hor insixaabka loo baahan yahay inay ciidanka dagaallo qaadaan, oo ay isu muujiyaan kuwa carcar ah.
“Qorshaha bixitaanka haddii aanan si wanaagsan loo qorsheynin, waxay sababi karaan khasaare aad u ballaaran, weligaa haka labalabeynin inaad go’aano qaadatid, laba-labeyntu waa halis, go’aan aad ka labalabeysan oo aad qaadan weysay xilligii loo baahnaa ayaa ku horseedi kara geeri” waxaa sidaas yiri General Mahoose.
Madaxweynaha dowlada Uganda oo dhowaan ka hadlayay weerarkii Buulo-mareer ayaa ka been sheegay khasaaraha dhimasho ee weerarkaas lagu gaarsiiyay ciidankiisa, isagoo khasaaraha dhimasho ku sheegay 53 askari, balse waxaa taas buriyay wargayska The Independent ee kasoo baxa Kampala kaas oo sheegay in maydadka 70 askar Ugandees ah oo Naxashyo lagu sido laga dejiyey garoonka magaalada Entebbe oo kaliya, xilli habeennimo ah si aysan dadku u arkin.
Taliska ciidanka mujaahidiinta ayaa xaqiijiyay in weerarkii lixaadka lahaa ee ka dhacay Buulamareer lagu dilay in ka badan 200 oo salibiyin Yugaandhees ah, welina waxaa gobollada kala duwan ee waddankaas ka socda Baroordiiq ay samaynayaan dadka shacabka ah.