Madaxweynaha dowlada saliibiyada ah ee Kenya Uhuru Kenyatta ayaa qirtay in 9 askari oo ka tirsan Ciidamada wadankiisa Lagu dilay qaraxii xooganaa ee maalin ka hor ka dhacay duleedka magaalada Dhoobleey ee wilaayada Jubooyinka.
Uhuru Kenyatta ayaa hadalkan qiraal ah ku soo qoray barta uu ku leeyahay Twitter wuxuuna sheegay in ciidamadiisa sagaalka ah la beegsaday xilli ay roondo ka wadeen xuduudda u dhexeysa Kenya iyo Soomaaliya sida uu hadalka u dhigay.
“Aad baan uga naxay ugana murugooday markii aan maqlay in sagaal ka tirsan ciidamadeena ay ku dhinteen weerar argigixiso oo ka dhacay Soomaaliya. Ciidankaas waxay naftooda u hureen nabadgalyada wadankooda waana inaan tixgelinaa nafhurka ay sameynaya” ayuu yiri madaxweynaha dowlada saliibiyada Kenya Uhuru Kenyatta.
Isago hadalkiisa sii wata ayuu Kenyatta Tacsi u diray dadka Kenyaatiga ah ee guranaya miraha qaraar ee dagaalka ay askartoodu kaga jiraan Soomaaliya waxaana uu ugu baaqay in ay u dulqaataan geerida wiilashooda.
Balse Barta ku leeyahay Twitterka oo uu soo dhigay qoraalkan ayuu kala kulmay canaan iyo dhaliilo kulul oo kaga imaanayey dadka Kenyaatiga ah ee isticmaala Twitterka kuwaas oo badankood dalbanayey in ciidamadooda laga soo saaro Soomaaliya.
Hadalkaan ka soo yeeray Madaxweynaha Dowladda Kenya ayaa imaanya Iyadoona war ka soo baxay Taliska ciidanka Mujaahidiinta lagu xaqiijiyay in weerarkii Qaraxa ahaa ee ka dhacay duleedka Dhobley dhimasho iyo dhaawac loogu geystay ku dhawaad 15 Askari oo katirsan kuffaarta kenyaati kuwaasi oo la socday gaari nuuca Ciidamada Xambaara.
Sawiro maalitii shalay la soo galiyay Baraha Internetka ayaa muujinayay burbur xooggan oo soo gaaray gaariga Qaraxa lala eegtay, iyo qaar ka mid ah ciidamada saliibiyiinta Kenya oo iyagoo anfariisan dul taagan burburka uu geystay qaraxa.
Ciidamada Kuffaarta Kenya ayaa qeyb ka ah Kuffaarta Afrikaanta ee duullaanka Saliibiga ku soo qaaday Somaliya, Iyadoona Ciidanka Kenya ee ku sugan deegaanno ka tirsan Jubbooyinka iyo Gedo ay la kulmayaan dhiigbax fara badan oo kaga imaanaya Howlgallada Mujaahidiinta, tan iyo markii ay soo galeyn Somaliya sanadii 2011-ka.