Xilli Kuuriyada waqooyiga lagu eedaynayo in ay qayb ka tahay dagaalka ka dhanka ah Ukraine, ayay wargeysyada New York Times iyo The Guardian soo daabaceen warbixino ku aaddan in ciidamo ka socda Kuuriyada waqooyi lagu arkay furimaha dagaal ee dhinacyadu isku hor fadhiyaan.
Labadan wargays oo soo xiganaya ilo dhanka Ukraine ah, ayaa sheegay in ciidamada Kuuriyada Waqooyi ay dagaal la galeen ciidamada Ukraine ee ku sugan furimaha dagaalka ee mandiqadda Kursk ee Ruushka.
Sarkaal ka tirsan dowladda Ukraine oo aan magaciisa la sheegin ayaa mid ka mid ah wargaysyada u sheegay in iska dagaalku uu ahaa mid kooban, laguna arkay ciidamo Kuuriyada waqooyi ka tirsam oo ka dhinac dagaallamaya guuto ka tirsan ciidamka Ruushka.
Dowladaha Ruushka iyo Ukraine ayaa si wayn ugu dagaallamaya deegannada dhaca xuduudka labada dhinac iyo gudaha Ukraine, waxayna laba dhinac si isku mid ah u helaan murtazaqdo ka barbar dagaalanta oo dalal fog fog uga yimid dagaalka ka socda Ukraine iyo sidoo kale xuduudaha Ruushka.