Ururka Shiicada Lubnaan ee Xisbul-shaydaan ayaa xaqiijiyay dilka hoggaamiyahoodii guud ee ururkaasi, ninka la oran jiray Xasan Nasrallah, kaasi oo oo lagu beegsaday weerarro ay fuliyeen diyaaradaha maamulka gumeystaha Yahuudda.
Duqaymaha maamulka Yahuudda ayaa beegsaday xarunta taliska dhexe ee xisbigaasi oo ku taal duleedka koonfureed ee caasimadda Lubnaan ee Bayruut, halkaas oo ay ku sugnaayeen madaxda ugu sarreysa ee ururka shiicada Lubnaan oo uu ka mid ahaa Xasan Nasrallah.
Xisbiga ayaa bayaan rasmi ah oo uu soo saaray ku xaqiijiyay dilka hoggaamiyahooda, kaasi oo ku magacownaa hoggaamiyaha guud ee ururka shiicada Lubnaan, waana mid ka mid ah weerarada maamulka sahaayinada Yahuudda ee lagu dilay hoggaamiyeyaasha ugu sarreeya ee shiicada.
Bayaanka kasoo baxay ururkan fadhigiisu yahay koonfurta Lubnaan ayaa yimid saacado un kadib markii ciidamada Yahuuddu xaqiijiyeen inay ku guuleysteen dilka hoggaamiyahaasi, iyaga oo sheegay in diyaaradahooda dagaalka goobta uu ninkaasi ku sugnaa ku beegsadeen ilaa 85 madax oo bambaanooyin ah.