Hoggaamiyaha maamulka dabadhilifka Koonfur galbeed ayaa walaac ka muujiyay gaabiska ku yimid howlgalladii cadowtooyo ee ciidamada Xabashida Itoobiya ay ka fulin jireen deegaanno katirsan gobollada Bay iyo Bakool iyo Sh/Hoose.
Shariif Sakiin oo magaalada Baydhabo kula hadlayay xildhibaannada Baarlamaanka maamulkiisa ayaa sheegay in ciidamada AMISOM iyo kuwa xabashida Itoobiya ay ku fashilmeen in ay ladagaallamaan Xarakada Al Shabaab.
Wuxuu sheegay in wadada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo ay ka xirantahay mas’uuliyiinta maamulkiisa islamarkaana ay go’anyihiin waddooyin kale oo isku xira Baydhabo iyo magaalooyinka Bay iyo Bakool.
Shariif Sakiin ayaa ka shanqariyay in maamulkiisu uu wajahayo caqabado baaxad leh isagoo waxa loogu yeero beesha caalamka ugu baaqay in ay ka gacan siiyaan sidii uu caqabadahaas uga gudbi lahaa.
Bishii Agoosto sanaddii 2017 ayay ciidamada Yugaandha isaga baxeen deegaanka Leego ee gobolka Sh/Hoose taas oo ceel kusii ridday rajadii ay mas’uuliyiinta maamulka Koonfur galbeed ka qabeen in ay isaga kala gooshaan Muqdisho iyo Baydhabo taas bedelkeedna hadda waxay isticmaalaan dhanka hawada.
Hoos Ka Daawo Caddeymaha Shariif Sakiin