Waxaa daggan xaaladda magaalada Kaabul ee caasimadda dalka Afghaanistaan ka dib markii xalay 20 sanno ka dib magaaladaas laga xoreeyay cadowgii isu soo bahaystay dagaalka ka dhanka ah shareecada islaamka.
Muuqaallada laga soo tabinayo magaalada Kaabul waa kuwa aad u farxad galinaya dadka muslimiinta waxaa waddamo badan oo dhaca caalamka islaamka oo Filistiin ugu horrayso ka billowday dabaaldagyo waawayn oo lagu soo dhaweynayo guusha wayn ee uu allaah 20 sanno ka dib siiyay Mujaahidiinta Daalibaan.
Xaaladda magaalada Kaabul maanta waa mid daggan waxaa soo noqday dhammaan adeegyadii bulshada sida ganacsiga waxbarashada iyo dhammaan adeegyada kale.
Ciidamada xisbada imaarada islaamiga Afghanistan waxay durba billaabeen la dagaallanka munkaraadka waxay Mujaahidiinta u istaageen inay suuliyaan fasaadkii uu magaalada kaga tagay maamulkii fashilmay ee xukuumadda Ridada kaabul.
Waxay ciidamada xisbadu dumarka muslimaadka ah farayeen inay xidhaan xijaabka sharciga ah waxaa dhammaan magaalada ka xasilay maamul islaami ah oo ammaan ah.
Imaaradu waxay waali cusub u magacowday magaalada Kaabul ee caasimadda waddanka waxaana waaliga cusub ee Kaabul loo magacaabay Shiikha waalidka ah ee lagu magaabo Mowlawi Cabidraxmaan Mansuur.
Inta badan magaalada waxaa gacanta ku haya imaarada marka laga reebo madaarka caalamiga ah ee magaalada Kaabul oo ay soo buuxdhaafiyeen diblumaasiyiin ameerikaan ah shaqaaleyaal dowladadeed iyo maleeshiyaad baxsad ah waxaana garoonka ammaankii gacanta ku haya ciidamada saliibiyiinta Maraykanka kuwaas oo fursad loo siiyay inay daadgureystaan shaqaalahooda.
Halkan Kala Soco Wararka Deg Dega Ah Ee Website-ka Calamada.
Calamada.com
Guul
asc