Wararka ka imaanaya degmada Afgooye ee dhacda gobolka Sh/hoose, ayaa sheegaya in gudaha magaaladaasi uu ku fatahay wabiga Shabeelle oo ka mid ah wabiyada mara koonfurta Soomaaliya.
Fatahaadda uu sameeyay wabigan ayaa saamayn ku yeelatay dadka ku dhaqan xaafadaha kala duwan ee degmada Afgooye, muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshadu ku wada xiriirto ayaa muujinayay sida daadadka soo rogmaday ukala xireen daanta Bari iyo daanta Galbeed ee magaalada.
Muuqaalladu waxay sidoo kale muujinayaan in xaafadaha qaarkood ay dadku billaabeen inay uga barakaceen biyaha kusoo fatahay, dadka isaga kala gooshaya xaafadaha degmada Afgooye ayaa sidoo kale la arkayay iyaga oo adeegsanaya doomaha macmalka ah.
Wararku waxay intaas ku darayaan in dadka ku dhaqan jiinka wabiga ee deegaannada hoostaga degmada Afgooye ay ka barakaceen fatahaadda uu sameeyay wabiga, qoysas badan ayaa sidoo kale lasoo wariyay inay ka barakaceen qaybo ka mid ah xaafadaha degmadaasi.