Jaziiradda Zanzibaar ee wadanka Tanzania waxa ka socday shir madaxeed u dhaxeeyay hoggaamiyeyaal ka kala socotay dowladda xabashida Itoobiya iyo kooxda jabhadda xoraynta dadka Oromada ee OLA, kaas oo fashil kusoo idlaaday.
Dowladda Itoobiya ayaa qoraal rasmi ah oo ay soo saartay ku sheegtay in uu fashil kusoo idlaaday dedaallo lagu doonayay inay heshiis ku wada gaaraan xukuumadda xabashida iyo jabhadda hubeysan ee OLA, ka dib shir ka dhacay Zanzibaar.
Qoraal kooban oo ay soo saartay xukumada uu fadhigeedu yahay Addis ababa ayay ku caddaysay in labada dhinac ay isku qabteen qoddobadii ugu horreeyay ee miiska lasoo dhigay, taas oo keentay in kulanka uu noqdo mid lagu kala yaaco.
“In kasta oo wada-hadalladu ay ahaayeen kuwo wax ku ool ah, haddana suurtagal ma noqon in laga heshiiyo arrimaha qaar intii lagu jiray wareegii 1 wadahadallada,” ayaa lagu yiri qoraalka dowladda xabashida.
Shirkan oo uu garwadeen ka ahaa urur gaaleedka Igad ee ay ku midaysan yihiin dowladaha dhaca bariga Africa ayaa wareeggiisii koowaad lagu kala kacay, waxayse dhinacyadu sheegeen inay kusoo laaban doonaan miiska wadahadalka.
Kooxda OLA ee Oromada ayaa tobannaankii sano ee lasoo dhaafay dagaal xooggan kula jirtay dowladda federaalka ee Itoobiya, Qowmiyadda ay kooxdan kasoo jeedo ayaana ah tan ugu dadka badan qowmiyaadka Itoobiya.