Inta badan waxaa maalintii Labaad xiran wadooyinka ugu waaweyn magaalada Muqdisho,iyadoona wadooyinka xiran lagu arkayo maleeshiyaatka dowlada Ridada.
Wadada Makah Al-makaramah,Wadnaha,wadada isku xirta isgoyska KM4 iyo garoonka diyaaradaha iyo wadooyinkale oo muhiim u ah isu socodka dadka,gaadiidka iyo ganacsiga ayaa u xiran dowlada Farmaajo.
Xirnaanshaha wadooyinkan Maalintii Labaad ayaa sabab u ah khilaafka xoogan ee ka dhex taagan dowlada Ridada iyo xiisadaha cakiran ee ka dhex taagan maamulka Farmaajo.
Shacabka Muqdisho ayaa muujinaya dareen ku aadan iney suura gal tahay in gudaha magaalada Muqdisho ka qarxo iska hor’imaad xoogan u dhaxeeya maleeshiyaatka dowlada kuwaasi oo la kala safanayo xubnaha dowlada ee is khilaafsan.
Xildhibaano iyo xubno kale oo ka tirsan dowlada ayaa kasoo horjeestay weerarkii habeen hore maleeshiyaat daacad u ah Farmaajo ay ku qaadeen hoyga Cabdi Raxman Cabdi Shakuur oo ka mid ah xubnaha Murtadiinta ah ee sida weyn uga soo horjeeda maamulka Murtad Farmaajo.
Dhanka kale Waziirka Dastuurka dowlada Farmaajo ayaa gabi ahaan kasoo horjeestay amar kasoo baxay wazaarada Amniga mamaulka farmaajo oo ah in guud ahaan magaalada Muqdisho lagu qaban karin shirarka aysan ogeen wazaarada Amniga iyo maamulka gobalka Banaadir ee dowlada Ridada.
Muuse Malaay.
Calamada Online.
Mogadishu, Somalia.