Magaalada Muqdisho ee caasimadda waddanka waxay saaka mar qura dadkeedu ku waabariisteen waddooyin xiran iyo maleeshiyaad ku hubeysan gaadiidka dagaalka oo gaafwareegaya waddooyinka.
Kooxda Riddada Soomaaliya ayaa xiratay waddooyinkan, xilli maanta ay ku beegan tahay markii sannad ka hor xilka madaxweynaha kooxda Riddada Somalia loo doortay murtad Xassan Gurguurte.
Sannad kaddib waxay bulshada ku dhaqan caasimada Soomaaliya saaka ku waabariisteen waddooyinka muhiimka ah oo loo xiray murtad Gurguurte, taas oo timid ka dib cabsi laga qabo howlgallada mujaahidiinta.
Ilo wareedyo ku sugan gobolka Banaadir ayaa soo sheegay in inta badan waddooyinka caasimadda ay maanta yihiin kuwa haawanaya, laguna soo daadiyay maleshiyaadka Riddada gaar ahaan kuwa madaxtooyada ee loo yaqaan koofiya casta.
Sababta ugu wayn ee loo xiray waddooyinka ayaa lagu sheegay in murtad Xasan Sheekh uu ubax dhigi doono mid ka mid ah taallooyinka ay ka dhisteen caasimadda, waxaana dhammaan hakad ku jira isku socodka dadka iyo midka gaadiidka.
Sawirro laga soo qaaday waddooyinka Xamar ayaa muujinayay waddooyinka oo ah kuwa haawanaya, isla markaana maleeshiyaadka Riddada ay dadka shacabka ah ka hor istaageen inay maraan waddooyinka qaar.
Ma ahan markii ugu horreysay oo waddooyin loo xiro madaxa kooxda Riddada Somalia, waxaana caado ka noqotay Muqdisho in maleeshiyaatka Riddada ay xirtaan waddooyinka xilliyada ay kooxda Riddada dhiganayso xafladaha.