Tafaasiil dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil bareer ah oo wade mooto bajaaj loogu gaystay magaalada Dhagaxbuur oo ka mid ah deegaannada ku hoos jira gumeysiga xabashida Itoobiya ee dhulka Soomaali galbeed.
Ilo wareedyo deegaanka ah waxay xaqiijiyeen in dilkan oo ahaa mid argagax leh loo gaystay wiil dhalinyaro ah oo la oran jiray Suldaan Cabdi Khaliif, kaas oo ka mid ahaa dhalinta ku xamaasha moota bajaajta ka howlgasha degmada Dhagaxbuur.
Maleeshiyaadka dilka gaystay oo aan si rasmi ah loo ogayn halka ay ka yimaadeen ayaa dhowr xabaddood ku dhuftay wadaha mooto bajaajka, xilli uu ku sugnaa duleedka magaalada Dhagaxbuur, dadka deegaanku waxay soo sheegeen in kooxaha dilka gaystay ay goobta ka baxsadeen.
Bulshada magaalada Dhagaxbuur ayaa dhibanne u ah maamulka Soomaali galbeed ee ay xabashidu dhisatay, kuwaas oo dilal bareer ah oo muuqda iyo kuwa qarsoon kula kaca dadka aan hubeysnayn ee rayidka ah.