Wararka ka imaanaya magaalada caasimadda ee Muqdisho ayaa sheegaya in askari ka tirsan maleeshiyaadka Ridada uu si bareer ah u dilay mid ka mid ah wadeyaasha mooto bajaajta ee ka howlgala caasimadda, dilkan ayaana maanta ka dhacay Laami yaraha Zoobe.
Muuqaal laga soo qaaday goobta ayaa muujinaayay wadaha mooto bajaajta oo ku dhex jira bajaajtiisa isaga oo mayd ah, ka dib markii lagu dhex toogtay mootadiisa, goobjoogeyaal ku sugnaa goobta ayaa sheegay in askariga murtadka ah ee falkaasi dilka ah ku kacay uu ilaalo u ahaa mid ka mid ah saraakiisha kooxda Riddada oo saarnaa gaari nooca kuwa aan xabaddu karin.
Dilka ka dib waxaa goobta dibadbax ka dhigay boqollaal ka mid ah wadeyaasha mooto bajaajta caasimadda, iyagoo si kulul uga hadlay dilalka bareerka ah ee ka dhanka ah bajaajleyda Muqdisho.
Maleeshiyaadka murtadiinta ayaa sare u qaaday dilalka bareerka ah ee ay ku hayaan wadeyaasha mooto bajaajta ee ka howlgala magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.