Ciidamo Mareykan ah iyo kuwo Soomaali ah oo wada socday ayaa xalay duullaan dheelmad ah ku soo qaaday deegaanka Mubaarak ee dhaca duleedka degmada Afgooye sida ay xaqiijiyeen dad goobjoogeyaal ah iyo Saraakiil ka tirsan Xarakada Al-Shabaab.
Diyaarado helicopter ayaa ciidamadan ku soo dajisay afaafka hore ee deegaanka kadibna waxaa iyagoo lugeynaya soo aadeen dhanka magaalada si ay halkaas howlgal kaga fuliyaan balse inta aysan soo gaarin halkii ay kusoo socdeen ayey la kulmeen weerar kamiin ah oo ay diyaariyeen Mujaahidiinta.
Dagaalyahannada Xarakada Al-Shabaab oo u muuqday in ay ka warhayeen duullaanka ayaa dhabagal qorsheysan u diyaariyey ciidamada Mareykanka iyo kuwa Soomaalida taas oo keentay in lagala hormaro weerarka kadiska ah.
Goobjoogayaal saaka booqday goobihii lagu dagaalamay ayaa sheegay in ay arkeen meydadka laba askari oo ay ka carareen ciidamadii soo weeraray deegaanka kuwaas oo ku labisnaa qalabka iyo dareeska ciidan ee lagu yaqaano ciidamada fuliya howlgallada gaarka ah.
Hal goobjooge ayaa noo sheegay in uu arkay ciidamo ka tirsan Al-Shabaab oo goobta ka qaadaya meydadka askartii lagu dilay weerarka iyo qalabkii ay ka carareen, wuxuuna carrabaabay in mid ka mid ah askarta uu jirkiisa aad u burbursanaa.
Saraakiil ka tirsan Mujaahidiinta Al-Shabaab oo aan la xiriirnay ayaa sidoo kale noo xaqiijiyey in ay weerarkii xalay ay ku dileen qaar ka mid ah askartii soo weerartay deegaanka balse wey ka gaabsadeen in ay noo sheegaan jinsiyadahooda.
Ilo wareedyo ayaa sidoo kale noo sheegay in wadada ay dib ugu gurteen ciidamada huwanta ah lagu arkay dhiig, faashado, iyo jaranjarooyin iyo qalabyada ay xirtaan ciidamada gaarka ah.