Taliska ciidanka Mujaahidiinta ayaa wax yar ka hor soo saaray war saxaafadeed horudhac ah oo lagu faahfaahiyay weerarkii cagmarinta ahaa ee Mujaahidiintu ay saaka kula wareegeen degmada Awdheegle oo ah degmo istiraatiiji ah oo Muqdisho u dhow, tirakoobka horudhaca ah ee dhimashada Murtadiintu waxay maraysaa 59 sida Warsaxaafadeedka lagu sheegay.
Warsaxaafadeedka ayaa U Dhignaa Sida tan:
Ciidamada Mujaahidiintu waxay saakay oo Axad ah weerar cagmarin ah ku qaadeen saldhigyada maleyshiyaadka riddada ah ee degmada Awdheegle ee Wilaayada Shabeellaha hoose.
Saldhigyada murtadiinta ee la weeraray waa saddex saldhig oo ay ku sugnaayeen ciidamo murtadiin ah kuwaas oo kala ahaa 2 saldhig oo magaalada banaankeeda ah iyo saldhigga buundada degmada Awdheegle.
Mujaahidiinta ayaa ugu horeyn madaafiic ku garaacay saldhigyada murtadiinta, waxaana xigay
weerar toos ah oo ay Mujaahidiintu ku qaadeen saddexda saldhig ee cadawga. Dagaal muddo
socday kadib, Mujaahidiintu waxay – Allaah fadligiis – si buuxda gacanta ugu dhigeen dhamaan saddexdii saldhig ee ay murtadiintu ku lahaayeen degmada Awdheegle.
Waxaa jira khasaare xooggan oo murtadiinta kasoo gaaray weerarka Awdheegle, sidoo kale waxaa jira hub iyo saanad qaniimo ah oo ay Mujaahidiintu gacanta ku dhigeen. Dhimashada hordhaca ah ee aan xaqiijinay ilaa hada waa 59 murtad oo lagu dilay weerarka. Tirakoob rasmi ah iyo faahfaahin intaas ka badan dib ayaan kasoo gudbin doonaa Insha-Allaah.