Khasaara dhimasho ah ayaa ka dhashay weerar maanta duhurkii ka dhacay mid kamida xaafadaha sida aadka ah amnigooda loo ilaaliyo ee magaalada Muqdisho.
Ciidamo katirsan Xarakada Al Shabaab ayaa weerar hubeysan ku qaaday gaariga Batuulo Sheekh Axmed Gaballe oo ah guddoomiyaha Ururka ‘Haweenka Qaranka’ xilli uu gaarigu ku socdaalayay degmada Xamar Weyne.
Weerarka waxaa ku dhintay darawalkii gaariga oo ahaa wiil ay dhashay Batuulo Axmed iyo Xoghayihii guud ee Ururka Haweenka Canab Cabduullaahi Xaashi sida ay sheegeen dad goob joogayaal ah.
Xarakada Al Shabaab ayaa durbadiiba lasoo degdegtay sheegashada mas’uuliyadda weerarkan, sida ay faafisay idaacadda Andalus ee Afka xarakada ku hadasha “Mujaahidiinta ayaa weerar toogasho ah ka fuliyay degmada Xamarweyne waxayna beegsadeen gaari ay lahayed haweenay Katirsan Murtadiinta oo qaabilsan Fasahaadinta Haweenka”.
Al Shabaab waxay xaqiijisay in weerarku uu sababay dhimasho iyo dhaawac, ‘Ururka Haweenka Qaranka’ oo ay dhistay dowladda Federaalka ayaa kaalin kulahaa soo xulistii xildhibaanada Baarlamaanka wuxuuna magaalada Muqdisho dhowr mar ku qabtay shirar ku baaqaya in haweenku kasoo baxaan guryaha oo ay ku biiraan dowladda Federaalka ayna taageeraan dagaalka ka dhanka ah waxa loogu yeero Argagaxisada.
Sidoo Kale Ururka ayaa kumanaan Haween ah geeyay Xerada Xalane halkaas oo ay AMISOM ku qabanaysay Siminaarro iyo xaflado lagu sumcad dilayay hablaha Soomaaliyeed waxaana muuqata in Al Shabaab durbadiiba ay beegsi ku bilaawday madaxda Ururkaasi.
Dilalka iyo qaraxyada ka dhanka ah saraakiisha DF-ka ayaa maalmihii lasoo dhaafay kusoo badanayay degmooyinka gobolka Banaadir waxaana udambeeyay dilkii laba maalmood ka hor degmada Waaberi loogu geystay Jeneraal Quruurux oo ahaa taliye ku xigeenka Saadka ciidanka Dowladda Federaalka.