Dagaallo ayaa dib uga qarxay deegaanno katirsan gobolka Gedo ee dhaca Koonfur galbeed dalka Soomaaliya.
Wararka ka imaanaya Gedo ayaa sheegaya in dagaallo saacado badan qaatay ay shala gelinkii dambe ciidamada Xabashida Itoobiya iyo xoogaga Al Shabaab ku dhaxmareen wadada xiriirisa degmooyinka Garbahaarey iyo Buurdhuubo.
Weeraro dhabbagal ah oo loo dhigay kolonyo ciidamo Itoobiyaan ah ayaa isku bedelay dagaallo waqti badan socday, warar laga helay goobta dagaalka ayaa sheegaya in dhowr qarax ay barbar socdeen dagaallada waxaana jira waxyeello gaartay gaadiid xamuul ah oo ciidamada Itoobiya ay isticmaalayeen.
Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ayaa ku guuleystay in ay hakiyaan socodka ciidamada Itoobiya ee wadada xiriirisa degmooyinka Buurdhuubo iyo Garbahaareey, khasaara dhimasho iyo dhaawac ah ayaa lasheegay in ciidamada Itoobiya ay kala kulmeen dagaaladii shalay.
Ciidamadan Itoobiyaanka ah ee dagaalkua uu qabsaday ayaa isbuucii lasoo dhaafay saad melleteri ugelbiyay dhanka degmada Garbahaarey waxayna lagu kulmeen weeraro is xigxigay, isgaarsiinta gobolka Gedo ayaa isbuucii labaad ay marna jarayaan marna fasaxayaan ciidamada gummeysiga Itoobiya ee dhaq dhaqaaqyada melleteri sameynaya.