Wararka ka imaanaya gobolka Sh/Hoose ayaa sheegaya in weerar hor leh oo xoogag katirsan Al Shabaab ay ka fuliyeen degmada Afgooye lagu dilay maleeshiyaat ka tirsan dowlada Ridada.
ilo wareedyo ayaa sheegaya in rag bastoolado ku hubeysan ay sedax askari ku dileen bartamaha degmada kadibna ay si nabad gelya ah goobta uga dhaqaaqeen.
Wararka ayaa intaas ku daraya in xaalad kacsanaan ah oo ka dhalatay dagaalkii xalay iyo dilalkii dhacay maanta barqadii ay xaalad jiha wareer ah ka dhax abuurtay sufuufta ciidamada DF-ka gaar ahaan kuwa isbaaraleyda ah ee lacagaha baadda ah ka qaata gaadiidka dadweynaha.
Xalay ayay aheyd markii ay ciidamada Mujaahidiinta Al Shabaab dagaal culus ku qabsadeen dhowr xaafadood oo katirsan degmada Afgooye oo qiyaasti 30KM dhanka galbeed uga began magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.