Waxaa sii kordhaya khasaaraha ka dhashay iska hor’imaad xoogan oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay gudaha degmada Guriceel ee gobalka Galgaduud oo ah gobal dhaca bartamaha dalka Somaliya.
Iska hor’imaadka waxa uu dhexmaray maleeshiyaatka Mushrikiinta ee maamusha degmadaasi iyo maleeshiyaat hubeysan oo gudaha degmada Guriceel lasoo galay qof ay kasoo afduubteen degmada Matabaan.
Inta la xaqiijiyay iska hor’imaadka waxa uu sababay dhimashada Shan ruux iyo dhaawaca tiro intaasi ka badan oo isugu jirta maleeshiyaatkii dagaalamay iyo dadka shacabka ee ku dhaqan xaafadaha kala duwan ee degmadaasi.
Wararka saaka laga helayo degmada Guriceel ayaa sheegaya iney suura gal tahay in markale labada maleeshiyo dagaalamaan maadaama maleeshiyaatka wax soo afduubtay ay diideen iney maamulka Suufida ku wareejiyaan ruuxa ay soo afduubteen ama xuriyadiisa siiyaan.
Calamada.com