Iyadoo maalmihii lasoo dhaafay xiisad colaadeed oo u dhaxeysa maleeshiyaat iyo saraakiil ka wada tirsan maamulka gaala raaca Galmudug ay ka taagneed gudaha degmadaasi waxaa maanta gudaha magaalada ka qarxay iska hor’imaad xoogan oo dhex maray maleeshiyaat ka wada tirsan maamulkaasi.
Iska hor’imaadka waxa uu dhexmaray maleeshiyaatka nabadsugida oo taabacsan Madaxweynaha maamulkaasi iyo maleeshiyaat boolis ah oo taabacsan xildhibaanada xil ka qaadista ku sameeyay Cabdi Kariim Guuleed.
Iska hor’imaadka ayaa yimid kadib markii maleeshiyaatka Nabadsugida ay weerar kusoo qaadeen goob ay ku shirayeen xildhibaanadii xil ka qaadista ku sameeyay madaxweynihii maamulkaasi balse waxey iska caabin xoogan kala kulmeen maleeshiyaat boolis ah oo ilaalo ka hayay xildhibaanadaasi.
Inta la xaqiijiyay iska hor’imaadkaasi waxaa lagu dilay 7 askari oo afar ka mid ah ay tahay maleeshiyaatka Ashahaado la dirirka ee Cabdi Kariim Guuleed taabacsan’iyadoona ay suura gal tahay in markale maleeshiyaatku diriraan maadaama wali xiisad colaadeed ay ka taagan tahay degmadaasi.
Calamada.com