Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar qarax oo ka dhacay gudaha degmada Wallanweyn oo ka mid ah goobaha maleeshiyaatka dowlada iyo shisheeyaha soo duulay kaga suganyihiin gobalka Shabeelada hoose.
Qaraxa oo ahaa Bamka nooca gacanta laga tuura ayaa lagu weeraray maleeshiyaat ka tirsan dowlada Ridada kuwaasi oo Goob ku qayilayay,iyadoona dhawaaqa qaraxa Bamka si aad ah looga maqlay xaafadaha kala duwan ee degmada Wallanweyn.
Inta la xaqiijiyay qaraxan waxaa ku dhaawacmay Saddex askari oo ka tirsan Murtadiinta kuwaasi oo la sheegay iney dhaawacyadooda culusyihiin.
Qaraxan ayaa kusoo aadaya xilli habeen hore qarax Bam lagu weeraray hooyga magaalada Jowhar uu ka daganyhay Xildhibaan ka tirsan golaha dhawaaqiida maamulka gaala raaca Hirshabeelle uu sababay dhaawac soo gaaray qaar ka mid ah ilaaladiisa,walow Xildhibaanka xilligii weerarka uu hooygiisa ka maqnaay.
Calamada.com