Wariyayaal ka tirsan idaacadda Andalus ayaa ka mid ahaa dadkii Xalay Ceelbuur ku hoyday, mar aan wacnay mid ka mid ah raggaasi ayaa noo sheegay in saaka ay ku roondaynayaan gudaha magaalada Ceelbuur iyo dhufaysyadii ay ka carareen ciidamada Ithoobiya.
Wariyaha ayaa intaasi warka ku daray in magaaladu ay is badashay oo burbur badan uu ka muuqdo, isla markaana uu qabsaday geedka la yiraahdo geed yahuudka.
Dadwaynihii ka qaxay magaalada ayaa isla shalayba bilaabay inay si tartiib tartiib ah dib ugo soo laabtaan si ay guryahooda u fiiriyaan inay u bad qabaan, sidoo kale durba waxa bilowday inay xoolihii ay biyo usoo doontaan ceelka biyaha magaalada oo saddex sano aysan imaanin, reer baadiyaha ayaa sheegay in neefkii kasoo dhuma ee biyo soo raadsada ay Axmaaaradu qalan jireen.
Si kastaba ha ahaatee waxaan sugnaa waa warbixinada tooska ah ay Idaacadda Andalus kasoo tabinayso gudaha magaalada Ceelbuur iyo sawiradda ay nooga soo qaadaan maaalada insha’allaah.