Maktabka warfaafinta ee Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab ayaa caawa soo saaray warsaxaafadeed deg deg ah oo jawaab u ah, heshiiiskii xaaraanta ahaa ee nidamka Riddada Xassan Gurguurte uu dowladda Riddada Turkiga ugu wareejiyay maamulka badda Somalia, kaas oo qayb ka ah heshiisyo sharci darro ah oo lagu xaraashayo khayraadka umadda Soomaaliyeed.
Warsaxaafadeedka xafiiska warfaafinta oo ku qornaa luuqadda Ingiriiska-ka ayaa cinwaan looga dhigay, Gorgortan kama gelayno Hawada, Badda iyo Dhulka Soomaaliyeed, Iibna ma ahan, waxayna xarakadu si adag uga hadashay heshiiska xaaraanta ah ee maanta lagu meel mariyay goleyaasha ugu sarreeya ee fulinta iyo kuwa ay ugu yeeraan sharci dejinta murtadiinta.
Xarakadu waxay warsaxaafadeedkan ku sheegtay in heshiiska Turkiga uu ku maamulayo dhaqaalaha badda Somalia uu yahay mid aan waxba ka jirin, uuna la mid yahay haddii uusanba ka waynayn midkii uu Muuse Biixi khayraadka Soomaaliya ugu wareejiyay dowladda xabashida Itoobiya, badda iyo berriga Soomaaliyana ay yihiin lama taabtaan aan gorgortan la geli karin.
Waxay sidoo kale xarakadu, ka warbixisay dhibaatooyinka uu Turkigu ku hayo umadda Soomaaliyeed ee muslimiinta ah, sida duullaanka dhaqaale, midka millatari ee diyaaradihiisu ku gumaadeen dadka rayidka ah iyo in uu meesha ka saaray suuqyadii ganacsi iyo dhaqaalihii umadda ee uu xaalufinayay 10-kii sano ee lasoo dhaafay.
Halkan Ka Akhriso Bayaanka Oo Dhamaystiran Oo PDF Ah.
Ama Hoos Ka Akhriso Bayaanka.