Warbaahinta Maraykanka ayaa sii wada weerarka afka ah oo ay ku hayaan dhaxalsugaha koowaad ee Aala-Sucuud kaas oo siyaasadiisa dad badan ay ku tilmaameen qar iska xoornimo isla weyni ku dhisan.
Maqaal uu ku daah furtay wargeyska afka dheer ee Washington Post ayuu ku sheegay in Muxamed bin Salmaan uu yahay amiirka Nifaaqa, islamarkaana shacabkiisa il xaqiraad ah ku fiiriya.
Wargeyska ayaa sheegay in Muxamed bin Salmaan inkastoo uu sheeganayo inuu doonayo in dalkiisa uu ka hirgeliya maamul la jaanqaadi kara Aduunka uu hadana shacabkiisa ku fiiyo aragti ka duwan mida uu naftiisa ku fiiriyo.
Washington Post ayaa sheegeysa in haddii uu doonayo inuu noqdo hogaamiye dhab ah ay tahay inuu sii daayo maxaabiista ku xiran xabsiyadiisa gaar ahaan kuwa loo xiray arimo la xiriira iney naqdiyaan siyaasadda iyo hab socodka maamulka Aala-Sucuud.