Maamulka isku magacaabay Hirshabeelle ayaa xaqiijiyay in uu cudurka Carona udhintay xildhibaan katirsanaa maamulkaasi.
Xildhibaan Khaliif Muumin oo ahaa wasiiru dowladaha wasaaradda cadaallada ayaa ku dhintay isbitaal kuyaal magaalada Muqdisho halkaas oo xaalad karaantiil ah lagu geliyay jimcihii lasoo dhaafay kadib markii laga helay Carona Virus.
Wasiirka ammaanka maamulka ‘Hirshabelle’ ayaa warbaahinta u xaqiijiyay geerida Xildhibaan Khaliif Muumin oo xaaladdiisa caafimaad ay aad uxumeed.
Waxaa laga cabsi qabaa in cudurkan uu usii gudbo mas’uuliyiin iyo saraakiil katirsan maamulka Hirshabelle sababa laxiriira wasiirka dhintay oo si caadi ah maamulka ugu dhaxjiray ka hor intii aan Karaantiilka lagelin.
Waa qofkii labaad oo cudurka Carona ugu dhinta dalka Soomaaliya isbuucii lasoo dhaafay ayuu magaalada Muqdisho ku geeriyooday hal ruux oo laga helay Carona Virus.