Falcelinno kala duwan ayaa ka dhashay wax gantaal u eg oo saacadihii lasoo dhaafay kusoo dhacay deegaan ka tirsan gobolka Sool ee dhaca waqooyi bari Soomaaliya, halkaas oo uu maamulo maamulka isugu yeeray SSC-Khaatumo.
Ilo wareedyo maxalli ah ayaa sheegay in waxa gantaalka u eg uu kusoo dhacay deegaan lagu magacaabo Kalcad oo 2Km u jira degmada Taleex ee gobolka Sool, sawirro lasoo bandhigay ayaa muujinaya wax gantaal u eg oo burburay oo ku dhacay meel bannaan ah.
Masuul u hadlay maamulka isugu yeeray SSC-khaatumo, ayaa sheegay in deegaankaasi uu gantaal habow ah kusoo dhacay, waxa uu intaas ku daray in gantaalka uu kasoo dhacay dhanka biyaha badda Cas, oo ay xilligan ka taagan tahay xiisad u dhaxayso Xuuthiyiinta iyo Maraykanka.
Ilo wareedyo maxalli ah ayaa sheegay in marka uu gantaalku kusoo dhacayay deegaanka Kalcad aysan hawada ku jirin wax diyaarad ah, waxayna mar qura ka war heleen burburka gantaalkaasi oo dhulka kusoo dhacaya.