Waddanka yar ee jabbuuti layidhaa waxa ka bilaabmey dibad baxyo lagu dalbanayo caddaalad. Dibadbaxyadani waxa ay ka dhasheen kadib markii askari duuliye ahaa oo reer jabbuuti ah lagu xidhey musqul ama suuli.Taas oo ka baxsan dhaqanka soomaalida.
Way dhici jirtey in Soomaalidu is dulmiyaan oo isdilaan laakiin waa wax cusub oo gummeysiga itoobiya inagaga yimid in qof qashin iyo suuli lagu xidho kadibna maqaarkiisu isbeddelo Cabdi iley oo tabcane Tigree ahaa baase uga horreeyay.
Dhacdadani waxa ay i xasuusinaysaa kacdoonnadii Waddamada Carbeed. Aakhirkii sannadkii 2010 maalin Jimce ah 17-kii Diisambar ayaa wiil la odhan jirey Maxamed Boocasiisiuu is gubey kadib markii lagala wareegay miis uu khudaarta ku iibin jirey, waxaana dadka hortooda ku dhirbaaxdey Faadiya Xamdi oo ahayd taliyihii haystey halka uu degenaa iyada oo raacisey sida la sheegay “Dégage” oo kelmad faransiis ah macnaheeduna yahay iskaga tag meesha.
Dhaqanka carbeed oo gabadhi in ay wiil dhirbaaxdo la ceebeysto ayaa keentay in uu is dilo bay dadka qaar ku doodaan, Nooc kasta ha noqotee dhirbaaxadaas dulmiga ahi waxa ay sabab u noqotay in wiilkaasi uu naftiisa halligo muddo dhowr iyo toban cisho kaddibna uu geeryoodo, Halkaas ayaa uu ka bilaabmay wixii loogu yeedhay Guga Carabta oo lagaga takhalusey madax badan oo carbeed.
Dawladahii ummadahoodu ku kaceen waxa kamid ahaa Aljeeriya, Masar, Yemen, Liibiya, Suuriya iyo Tunuusiya oo iyadu ahayd meesha ay kacdoonnadu ka bilaabmeen isla markaana uu Maxamed Boocasiisi ka soo jeeday, hacdadaas mid u eg ayaa maanta ka taagan waddanka Jabbuuti.
Haddaba askarigan oo lagu magacaabo Fu’aad Yuusuf Cali ayaa muddo laba bilood ah ku silcaya xabsi lagu magacaabo Gabood Xaaska sarkaalka ayaa sidoo kale sheegtay in mushahar la’aan ay ahaayeen in muddo ah Isla maalintii la soo dhaafey waxaa TV-ga Djibouti soo fadhiistey xeer ilaaliyaha guud ee Jabbuuti Jaamac Suleymaan Cali kaas oo sheegay in dil toogasho ah uu noqon karo xukunka sarkaalka laba xidiglaha ah ee Fu’aad marka la fiiriyo qodobka 132 ee xeerka ciqaabta ee wadankaas udegsan!.
Waxa isweydiin leh in qaddiyaddani ay noqon karto wax lala simi karo qaddiyaddii gugii carabta oo haddii Ismaaciil Cumar Geelle xukunka laga tuuro ay soomaalida kale ee maammullada tabarta yari joogaan lagu kaco kadibna uu xaalku sii cakirmo oo nabad waarta iyo xal islaami ah la helo ama la kufo oo imtaxaan lala kulmo.
Waxase run ah in haddii alle idmo caddaalad la heli doono, sida aynu u indho xunnahay uma Alle li’in.
W/Q: Wadaad Yare Xaashi.