Ciidamada mujaahidiinta waxay howlgal qarax ah oo ay ka fuliyeen magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ku beegsadeen guriga uu magaaladaasi ka deggan yahay wasiirka Amniga maamul goboleedka ashahaada la dirirka ah ee Puntland, murtad Ibraahim Cartan Xaaji Bakiin, waxaana weerarkaasi ku dhaawacmay mid ka mid ah ilaalada waziirka la beegsaday.
Isla Boosaaso, waxay ciidanka guutada qaraxyada mujaahidiinta Al-shabaab qaraxyo la beegsadeen saldhig ciidan oo maleeshiyaadka Riddada, gaar ahaan kuwa Booliska maamulka Puntland ay kaga suganyihiin xaafadda Biyo Kulule ee magaalada Boosaaso, waxaa qaraxaasi ku dhaawacmay laba askari oo murtadiin ah.
Dhanka Sh/hoose, waxay ciidamada mujaahidiintu saacadihii lasoo dhaafay howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen gudaha degmada Afgooye ku khaarajiyeen askari ka tirsanaa maleeshiyaatka Riddada, gaar ahaan kuwa jawaasiista dharcadka, waxaana murtadkaasi lagu magacaabi jiray Maxamed Iidle Aflow.