Inta la hubiyay ugu yaraan labo qof ayaa dhintay tiro kalena way ku dhaawacmeen, kaddib weerar xagga cirka ah oo ay ciidamada Yahuuda ka gaysteen duleedka magaalada caasimadda u ah waddanka Suuriya.
Warbaahinta rasmiga ah ee waddanka Iiraan ayaa sheegtay in weerarka Yahuudda lagu dilay laba xubnood, balse ma aysan sheegin aqoonsiga rasmiga ah ee dadkaasi iyo kuwa ku dhaawacmay intaba.
Wakaaladda wararka ee Tasniim ayaa sheegtay in ciidanka Yahuudda ay weerar ku beegsadeen xarun la talinta millatariga Iiran ku leeyihiin Suuriya, balse safiirka Iran u fadhiya waddankaasi, Xusayn Akbari, ayaa beeniyay in weerarkaas uu beegsaday goob ay ku sugnaayeen ciidamada Iiraan.
Warbaahinta rasmiga ah ee Suuriya oo soo xiganaysa ilo militari ayaa dhankeeda ku warantay in maamulka sahyuuniyadda ay weerar dhanka cirka ah ku qaadeen dhowr goobood oo ku yaalla koonfurta magaalada Dimishiq.