Wararka ka imaanaya gobolka California ayaa xaqiijinaya in ugu yaraan afar qof lagu dilay toogasho wadareed ka dhacday magaalada Mojave, ka dib markii uu nin aad u hubeysan toogasho ka dhex billaabay xaafad ka tirsan magaaladan.
Saraakiisha ciidamada ammaanka ayaa laga soo xigtay in dadka dhintay saddex ka mid ah ay yihiin haween, halka qofka 4 na uu ahaa qof rag ah, waxayna da’doodu u dhaxaysay 20 illaa 30 jir.
Lori Meza oo ah afhayeenka xafiiska mandiqadda uu shilku ka dhacay ayaa sheegay in markii ay saraakiishu goobta gaareen ay durba ka heleen maydadka illaa saddex, halka ay dhaawacyo ahaan cisbitaalka u geeyeen qofka afaraad, wallow oo isuguna goobtaasi ku geeriyooday.
Waa toogashadii 2-aad oo muddo kooban laga soo tabiyo dalka Maraykanka, kuwaas oo lagu dilay ku dhawaad 10 xubnood oo ameerikaan ah, waxaana dhacdooyinkaan markale daaha ka feydeen amni xummada iyo kororka rabshahada hubeysan ee kusii baahaya gobollada kala duwan ee waddankaasi Maraykanka.